Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay suuqa January iska iibiso xiddiga garabka uga ciyaara kooxdeeda ee Nicolas Pepe sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.

Wargayska RMC Sport ayaa sheegaya in ay Arsenal diyaar u tahay in ay Nicolas Pepe iska iibiso suuqa January waliba ku iibiso lacag dhan 50 milyan oo euro.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Arsenal doonayso in ay lacagta ay ka hesho Nicolas Pepe ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Houssem Aouar.

Warka ayaa intaas ku daraya in uu Nicolas Pepe diyaar u yahay in uu isaga tago kooxda Arsenal laakiin hal shardi ku xidhay kaas oo ah in uu kaliya ku biiri doono kooxda ogolaata in ay miiska u saarto mushaharka uu haatan Arsenal ka qaato.

Source: laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here