Kooxda Arsenal ayaa iska xaadirisay wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka kadib markii ay garaaceen kooxda Oxford United.

Arsenal ayaa sidaas darteed wareega xiga la ciyaari doonta kooxda Man City kulanka wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka.

Mikel Arteta ayaa is badal weyn ku sameeyay shaxdiisa isaga oo xiddigo badan kaydka dhigay si uu ugu nasiyo kulanka Tottenham.

Kooxda Oxford United oo doonaysay in ay qarxiso lama filaan ayaa ahayd kooxda sida dar-darta leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Arsenal ku qaadayay weeraro halis ah.

Arsenal ayaa si weyn ugu dhibaatootay ciyaarta qaybtii hore xilli kooxda Oxford United samaynaysay fursado halis ah.

Waxa bar-baro 0/0 ah ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen iyada oo aanu midkoodna wax gool ah ka dhalin kulanka.

Qaybta dambe ayay Arsenal si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo aad moodid in ayna ahaynba kooxdii ciyaaraysay qaybtii hore.

Arsenal ayaa daqiiqadii 63-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana madax u dhaliyay xiddiga Mohamed Elneny kaas oo hogaanka u diibay kooxdiisa.

Wixii intaas ka dambeeyay kooxda Oxford United ayaa niyad jabtay waxana ay ku fashilmeen in ay Arsenal ku qaadaan weeraro.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Arsenal ee Eddie Nkeitiah ayaa daqiiqadii 70-aad dhaliyay goolka 2-aad waxana ciyaarta ka dhigay 2/0 ay kooxda Arsenal ku hogaaminayso ciyaarta.

Xiddiga ddie Nkeitiah ayaa daqiiqadii 76-aad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa waxana uu ciyaarta u diray hurdo dheer oo uu ku niyad jabiyay kooxda Oxford United.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal iska xaadirisay wareega 4-aad ee FA Cup-ka lana ciyaari doonto kooxda Man City.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here