Kooxda Arsenal ayaa garaacday kooxda QPR kulan saaxiibtinimo ahaa oo ay isugu diyaarinayeen xilli ciyaareedka cusub.
Kulanka oo ahaa mid si qarsoodi ah loo ciyaaray ayay Arsenal gaadhay guul 4/3 ah kaas oo ka mid ahaa kulamada ay kooxdu isugu diyaarinayso xilli ciyaareedka cusub.
Kulanka ayaa ka dhacay garoonka tababarka Arsenal ee London Colney kaas oo ay ciyaareen 3 maalin kadib markii ay Liverpool ka qaadeen koobka Community Shield-ka,
Arsenal ayaa 3/1 ku hogaaminaysay ciyaarta ka hor inta ayna kooxda QPR 2 gool dhalin iyaga oo uu u dhaliyay xiddigaha Osayi-Samuel & Todd Kane.
Gunners ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay dhalisay goolka guusha iyaga oo ay guushu ku raacday 4/3 kulan ay soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican.
Laakiin Arsenal ayaa dalbatay in aan laga daawan kulanka shaashahada sabab la xidhiidha in ay doonayeen in ay tijaabiso shaxedeeda xilli ciyaareedka cusub.