Xiisaha Arsenal ee Mykhaylo Mudryk ayaa u muuqda mid dhab ah maadaama uu soo dhawaaday suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Gunners ayaa aad ugu baahan inay xoojiso weerarkooda xilli uu Mikel Arteta doonayo in uu ku hogaamiyo kooxda horyaalka premier League ciyaareedkan.

Ku xigeenka agaasimaha ciyaaraha ee Shakhtar Donetsk Carlo Nicolini ayaa hadda ka hadlay mustaqbalka Mudryk oo ka mid ah xiddigaha da’yarka ah ee u soo baxaya kubada cagta yurub.

Nicolini ayaa u sheegay Calcio Mercato: “Maanta, Mudryk waxaa loo sheegay, sida dhammaan ciyaartoyda kale, inuu soo xaadiro tababarka sida xiddig kasta loo sheegay”.

“Waxaa jira xiiso ay Arsenal u qabto saxiixiisa, mana diidi karo arintaas”.

Wuxuu ku daray: “Kooxo badan ayaa sidoo kale ayaa xiiseynaya Mudryk, laakiin ma jirin dalabyo rasmi ah”.

“Fikradayda, kooxaha Talyaanigu ma haystaan ​​awood dhaqaale oo ku filan ciyaaryahan kan oo kale ah.”

Xiddiga Mykhaylo Mudryk ayaa bartilmaameed u ahaa Arsenal tan xagaagii hore si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Xiddiga Mykhaylo Mudryk ayaa laftiisa marar badan qirtay in uu doonayo in uu ku biiro Arsenal isaga oo xitaa kooxdiisa ku riixaya in ay aqbasho dalabka Arsenal.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here