Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay 8 milyan jeebka ugu shubtay dhamaadkii bishii September sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 31 jirka ah ayaan ciyaarin wax kulan ah tan ilaa bishii March waxana loo sheegay in uuna ka mid ahayn qorshaha tababare Mikel Arteta.

Arsenal ayaa xitaa isku dayday in ay iska iibiso xiddiga suuqii xagaaga si ay meesha uga saarto musharkiisa aadka u badan laakiin Ozil ayaa diiday in uu ka tago kooxda

Xiddiga khadka dhexe ayaa haatan ku jira sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiski uu saxiixay sanadkii 2018 uguna noqday xiddiga ugu mushaharka badan kooxda.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in heshiiskii uu Ozil u saxiixay sanadkii 2018 ku jiray shardi uu xiddigu xagaaga 2020 ku helayo lacag fiican oo uu ku helayo daacadnimadiisa kooxda hadii uu sii joogo kooxda.

Sidaas darteed Gunners ayaa Ozil miisha u saartay lacag dhan 8 milyan oo euro oo ah lacag lagu siinayo in uu ixtiraamay heshiiskii uu kula jiray kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here