Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in qaab amaah ah loogu soo bandhigay Goolhayaha kooxda PSG ee Alphonse Areola sida ay sheegayaan wararku.

Inkasta oo ay haatan haysato 2 goolhaye kuwaas oo ku tartamaya booska 1-aad hadana Arsenal ayaa la sheegayaa in ay u furantahay in ay iska iibiso Goolhaye Emiliano Martinez xagaagan.

Hadii uu Emiliano Martinez ka tago kooxda Arsenal xagaagan Mikel Arteta ayaa u baahan Goolhaye cusub waliba in uu si deg-deg ah u helo.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in Arsenal loo soo bandhigay fursad ay si amaah ah ugula saxiixan karto Goolhaye Areola xilli ciyaareedka cusub.

27 Jirka ayaa ku laabtay PSG kadib markii uu amaah ku qaatay Real Madrid xilli ciyaareedkii hore isaga oo 9 kulan u saftay tartamada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here