Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay sida ugu dhakhsaha badan u dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Juventus ee Adrien Rabiot.

Xiddiga reer France ayaa dhawaan geli doona lixda bilood ee ugu dambeeya qandaraaskiisa kooxda Juventus waxaana la filayaa inuu si xor ah uga tago dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Haddii Bianconeri ay go’aansato in ayna heshiis cusub u soo bandhigin xiddiga 27 jirka ah waxa uu heshiis hordhac ah la gali karaa kooxda uu doonayo suuqa January.

Rabiot ayaa la aaminsanaa inuu xagaagii qarka u saarnaa inuu u saxiixo Manchester United, laakiin hooyadiis oo ah wakiilkiisa ayaa hor istaagtay heshiiska sabab la xidhiidha mushaharka xiddiga.

Xiddigii hore ee Paris Saint-Germain ayaa heli doona dalabyo badan kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay koobkii adduunka ka dhacay Qatar.

Arsenal, Chelsea, Tottenham Hotspur iyo Barcelona ayaa dhamaantood xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga reer France laakiin ma cada in ay Man United mar kale diyaar u tahay in ay dalab ka gudbiso saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay La Repubblica, Arsenal ayaa hadda kor u qaadaysa xiisaha Rabiot waxayna doonayaan inay si degdeg ah u soo gabagabeeyaan saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe.

madaxda Gunners ayaa laga yaabaa inay dhowaan wadahadal la galaan dhiggooda Turin, inkastoo Allegri uu doonayo inuu sii haysto adeegga Rabiot qeybta labaad ee xilli ciyaareedka



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here