Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay dalab ka gudbiso kabtanka kooxda West Ham United ee Declan Rice inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga January ama xagaaga.

23-sano jirkaan ayaa la sii joogay Hammers xagaagii hore inkastoo la isla dhexmarayay mustaqbalkiisa, iyadoo Chelsea, Manchester United iyo Liverpool ay dhamaantood xiiseynayeen saxiixiisa.

Rice ayaa si weyn loo filayaa in uu isaga tago kooxda West Ham suuqa January ama xagaaga hadii uu helo dalab fiican oo uga yimaada kooxaha waaweyn.

Intii uu ku maqnaa England Koobka Adduunka 2022, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa soo jeediyay inuu doonayo inuu ka tago West Ham mustaqbalka dhow si uu ugu tartamo koobab waaweyn.

Sida laga soo xigtay Fichajes, Arsenal ayaa si dhab ah u doonaysa saxiixa xiddiga Rice iyada oo Tababaraha Gunners doonayo in uu helo xiddiga si uu ugu xoojiyo kooxdiisa.

Wararka ayaa sheegaya in ay West Ham ku doonayso xiddiga lacag dhan 100 milyan oo euro hadii ay iska iibinayso xiddiga suuqan ama xagaaga.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here