Kooxda Arsenal ayaa dhaqan galisay heshiiskii halka sano ahaa ee ku jiray heshiiska Bukayo Saka.

Saka ayaa sanadkii 2020 saxixay heshiis 3 sano ah iyo waliba hal sano oo dheeraad ah oo ay kooxdu dookh u leedahay in ay dhaqan galiso.

Sidaas Darteed Guuners ayaa haatan xaqiijisay in uu xiddiga 21 jirka ah sii joogi doono koxda ilaa xagaaga 2024.

Kooxda ayaa haatan diirada saari doonta sidii ay xiddiga uga saxiixan lahayd heshiis wakhti fog ah wakhtiga soo socda si ay kooxda ugu sii hayso.

Saka ayaa fure u ah Arsenal xilli ciyaareedkan xilli ay ku tartamayaan horyaalka premier League isla markaas 7 dhibcood ku hogaaminayaan.

Xiddiga Bukayo Saka ayaa dhaliyay 6 gool xilli ciyaareedkan waxana uu sidoo kale qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay koobkii adduunka uu xulkiisa kala qayb galay.

Tallaabadan ayaa albaabka ka xidhaysa kooxaha Liverpool iyo Real Madrid kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga si weyna loola xidhiidhinayay todobaadyadii ugu dambeeyay.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here