Markii la weydiiyay xaalada xiddigihiisa ka hor kulanka West Ham Tababare Mikel Arteta ayaa u sheegay saxafiyiinta”Gabriel Jesus way adagtahay in wakhti loo qabto soo laabashadiisa”.

“Maadama aan ogahay isaga ma doonayo in aan wakhti cayiman sheego”.

Dhanka kale isaga oo ka hadlaya Reiss Nelson iyo Emile Smith Rowe ayuu yidhi”“Reiss waxa uu maqnaan doonaa in muddo ah sida aan filayo”.

“Emile waxa uu ku dhawyahay in uu soo laabto laakiin dib ayuu u yara dhaawacmay”.

Uma eka in Smith Rowe uu diyaar u noqon doono kulanka Boxing Day ee ay wajahayaan West Ham United, inkastoo ay jireen warar sheegaya in uu taam noqon doono.

Smith Rowe ayaa qaliin gumaarka ah lagu sameeyay bishii September waxana uu garoomada ka maqnaa tan iyo wakhtigaas waxana uu seegay kulamadii saaxiibtinimooyinka ahaa Watford, Lyon, AC Milan, Juventus ama Luton Town.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here