Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa ka hadlay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Man United kulan ka tirsanaa Premier League.

Kulanka ka dhacay Emirates ayay Arsenal 3/2 kaga badisay kooxda Man United kulan ka tirsanaa todobaadkii 21-aad.

“Waxa naga go’nayd in aan guul gaadhno marna kulanka maanu nixin waxa aan maamulaynay inta badan ciyaarta laakiin Kubada ayaa diiday in ay goolka gasho”.

“Ka hor intii aanay ciyaartu bilaaban waxa aan aaminsanayn in aanu ka badin karno Man United”ayuu Arteta yidhi.

“Wax khal-khal ah maanu dareemin markii ay dhaliyeen goolka 1-aad waxa aan aaminayn in aan ciyaarta ku soo laaban karno”



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here