Kooxda Atletico Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay dib u soo celiso xiisaha ay u qabtay saxiixa weeraryahanka kooxda Arsenal ee Alexandre Lacaette.

Kooxda reer Spain ayaa 3 sano ka hor isku dayday in ay la soo sxiixato xididgii hore ee Lyon laakiin 29 jirka ayaa ka doortay Arsenal kadib markii uu Arsene Wernger ku qanciyay.

Lacazette ayaa si fiican ku bilowday xirfadiisa Arsenal laakiin waxa uu noqday weeraryahanka 2-aad kadib imaatinkii xiddiga Aubameyan.

Ateltico Madrid ayaa si gaar ah ula socotay xiddiga wargayska MARCA ayaana haatan sheegaya in ay diyaar u tahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga xilli Gunners diyaar u tahay in ay iibiso.

Arsenal ayaa haatanba la soo saxiixatay xiddiga Wiilian waxana ay ku dhawdahay daafaca dhexe ee kooxda Lille ee Gabriel.

Sidaas darteed Atletico ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsneal u soo bandhigi doonto xiddigaha Thomas Lemar, Angel Correa iyo Vitolo si ay ugu qanciso in ay Arsenal ka iibiso Lacazette.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here