Arsenal ayaa dadaal ku bixineysa in ay xagaagaan helaan saxiixa qadka dhexe Atletico Madrid ee Thomas Partey kaasi oo ay muddo isha ku hayaan
Wargeyska Mirror ayaa qoraya in Atletico ay shuruud ku xireen sii daynta laacibkaas kaasi oo ah in Arsenal ay bixiyaan qiimaha hishiiskiisa lagu bur-burin karo .
Wargeyskaas waxa uu sheegayaa in qiimahaas uu gaarayo aduun dhan 45 milyan oo gini , Arsenal ma doonayaan in sidaas ay sameeyaan
Warka waxa uu intaas ku darayaa in Arsenal ay haatan ka fikirayaan in lacag iyo mid ka ah mid ah ciyaartooyda kooxda ay isu raaciyaan Atletico si dhankooda u helaan Partey
Arintaan ayaa imaaneysa xilli Arsenal xagaagaan ay u nugul yihiinn in dhowr ciyaartooy ay fasaxaan waxaana ku jira Bellerin , iyo Sokratis