Ballon d’Or 2020: Bruno Fernandes Oo Ka Mid Noqday Ciyaartoyda U Sharraxan Xiddiga Adduunka & Qiimayntii Ugu Dambaysay Oo Soo Baxday

Abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or ayaa la bixin doonaa bisha December oo ah waqtiga caadiga ah ee sannad walba la qabto, laakiin doorkan ayaa ka duwan sannadihii hore, waxaana illaa hadda furan tartanka oo aanay jirin cid gaar ah oo loo saadaalinayo.

11 ka mid ah 12kii sannadood ee  ugu dambeeyey, waxa abaal-marintan kusoo guuleystay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo waqti horeba loosii saadaalin jiray inay abaal-marinta qaadanayaan, waxaase ka dhex-galay Luka Modric oo sannadkii 2018 kaga guuleystay.

Sannadaha badan ee labadan ciyaartoy ay dunida u talinayeen, inta badan waxay ahaayeen kuwo ay iska caddahay in aanay cidina kula tartamayn, balse sannadkan iyaguna heerkii hore ee  bandhigga hoos ayay uga dhaceen, iyadoo ay soo baxeen ciyaartooyo kale oo wacdaro ka dhigayay garoomada.

Qiimayn bille ah oo ay samayso shabakadda Goal, ayaa waxay soo bandhigtay in ciyaartoyga ugu horreeya sannadkan tartanka Ballon d’Or uu yahay Robert Lewandowski oo Bayern Munich la qaaday horyaalka Bundesliga iyo koobka German Cup.

Lewandowski oo dhaliyey in ka badan 50 gool xili ciyaareedkan dhamaan tartamada, waxa kale oo uu ku hamiyayaa in tartanka Champions League uu la qaado Bayern Munich xili ciyaareedkan, iyagoo lugtii hore ee wareegga 16ka ku garaacay Chelsea oo ay Stamford Bridge ugu tageen.

Laakiin waxa layaab leh in xiddiga Manchester United ee Bruno Fernandes uu kusoo baxay liiska ciyaartoyda ku tartamaya Ballon d’Or, isaga oo soo galay kaalinta 10aad ee qiimaynta u dambaysay.

Fernandes oo Manchester United kusoo biiray bishii January, waxa uu garoomada ka dhigayaa wacdaro isaga oo gool-dhalin, caawin iyo ciyaar qurux badan Red Devils kaga caawiyey in 16kii ciyaarood ee ugu dambeeyey aan dhinaceeda dhulka la dhigin.

Akhriso qiimayntii ugu dambaysay ee tartanka Ballon d’Or:

#20 Ciro Immobile (Lazio) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: 20

#19 Timo Werner (RB Leipzig) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: 18

#18 Jordan Henderson (Liverpool) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: 12

#17 Alphonso Davies (Bayern Munich) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: 17

#16 Sadio Mane (Liverpool) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: 13

#15 Kai Havertz (Bayer Leverkusen) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: 11

#14 Paulo Dybala (Juventus) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: Wuu ku cusub yahay

#13 Jadon Sancho (Borussia Dortmund) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: 10

#12 Sergio Ramos (Real Madrid) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: Wuu ku cusub yahay

#11 Serge Gnabry (Bayern Munich) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: 15

#10 Bruno Fernandes (Manchester United) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: 14

#9 Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: 9

#8 Erling Haaland (Borussia Dortmund) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: 8

#7 Neymar (Paris Saint-Germain) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: 7

#6 Karim Benzema (Real Madrid) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: 6

#5 Thomas Muller (Bayern Munich) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: 5

#4 Kevin De Bruyne (Manchester City) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: 3

#3 Lionel Messi (Barcelona) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: 4

#2 Cristiano Ronaldo (Juventus) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: 2

#1 Robert Lewandowski (Bayern Munich) | Halkii uu kaga jiray qiimayntii hore: 1

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Source: laacibfm

WARARKII