Xariirka kubadda cagta Spain ee LaLiga ayaa ku wargalisay Barcelona inaysan iibsan karin wax ciyaartooy ah bishaan.

Wargayska AS ayaa sheegaya in  LaLiga-ha ay  Barcelona siisay ogeysiis aan rasmi ahayn oo ah in ayna xiddigo cusub la soo saxiixan karin.

Inkasta  Memphis Depay ka iibiyeen Atlético Madrid, haddana  iibkaas lagama faa`idin  lacag ku filan oo ay Catalans ku beddesho isaga, iyadoo madaxa LaLiga Javier Tebas uu diidan yahay  inuu leexiyo sharciga FFP ee tartanka, kaas oo loogu talagalay in looga hortago Barça inay gasho dhibaato dhaqaale oo bada. xilliyada soo socda.

Taas ayaa la macno ah in ayna jirin wax xad ah oo ay ku samayn karaan saxiixyo cusub sida ay wax u socdaan haatan .

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Barcelona dhowr ciyaartooy ay ka baadi goobayaan suuqa kuwaasi oo ay haminayeen in ay helaan inta suuqa jiilaakka furan yahay

 



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here