Barcelona ayaa go’aansatay inay racfaan ka qaadato casaankii Clement Lenglet intii lagu jiray kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Celta Vigo.

Blaugrana ayaan aaminsanayn in kaadhkii 2-aad ee digniinta ee loo taagay xiddiga reer France in uuna ahayn mid cadaalad ah.

Guddiga tartanka ayaa qiimayn doonta codsiga kaas oo ay kooxda Barcelona tahay in ay gudbiso 2 duhurnimo ee jimcaha wakhtiga Spain.

Kaadhkii 2-aad Del Cerro Grande ayaa ahaa kadib markii uu daafaca Clement Lenglet jiqilka ku dhuftay xiddiga Denis Suarez ee kooxda Celta Vigo daqiiqadii 42-aad.

Barcelona ayaana aaminsan in uu Denis Suarez madixiisa ku dhuftay Gacanta Clement Lenglet taas oo ka soo hor jeeda warbixinta uu garsooruhu gudbiyay.

Laacib.net

Source: laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here