Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ayna doonayn in ay qiimo jaban ku iibiso xiddigeeda Lionel Messi xagaagan.

Xilli ay kooxda Barcelona ku jirto xaalad adag garoonka dibadiisa iyo gurihiisaba waxa jira warar sheegaya in uu kabtankooda Lionel Messi isaga tagayo kooxda.

Inkasta oo uu jiro 33 jir hadana waxyaabo ka dhacay kooxda gudeheeda ayaa keentay in xiddiga lala xidhiidhiyo ka tagista kooxda iyada oo ay xiiso u muujiyeen kooxaha Chelsea, Man City, Juventus iyo PSG.

Si kasta ha ahaatee wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in ay kooxdu kaliya ku iibinayso Lionel Messi lacag dhan 631 milyan oo euro.

Kooxda todobaadyada soo socda miiska saarta lacagta intaas leeg kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay ka iibiso Lionel Messi.

Inkasta oo uu Heshiiska Halyeeygu kaliya ka hadhsantahay wax ka yar hal sano hadana Barcelona ayaa dalbanaysa lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa si ay ugu xoojiso kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here