Saxafiga lagu kalsoonyahay ee Gerard Romero ayaa sheegay in wakiilada xiddiga Bayern Munich ee Joshua Kimmich saxiixa xiddiga u so bandhigeen kooxda Barcelona.
Kooxda ayaa Barcelona ayaa ka fiirsanaysa in ay la soo saxiixato xiddiga reer Germany, iibinta Bayern Munich ayaa adkaan doonta marka la eego in uu xiddigu muhiim u yahay kooxda.
Xiddiga khadka dhexe ayaa lagu soo waramayaa inuusan ku faraxsanayn Bayern ka dib markii la ceyriyay Julian Nagelsmann.
Waxa uu dhab ahaantii ka fiirsanayaa inuu ku biiro koox ka baxsan Jarmalka, kooxda Xavi ayaana ah mid uu aad ula dhacsanyahay.
Xavi ayaa la sheegay inuu aad ugu faraxi doono in uu helo xiddiga 28 jirka ah si uu ula shaqeeyo uguna xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.
Joshua Kimmich ayaa 7 gool u dhaliyay Bayern Munich 11 kalena caawiye ka noqday xilli ciyaareedkan.

Related



Source link