Kooxda Barcelona ayaa ku jirta xaalad wal-wal ah saacadihii ugu dambeeyay kadib markii uu kabtankooda ahna Halyeeyga kooxda ee Lionel Messi codsaday in uu isaga tago kooxda xagaagan.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa maamulka Barcelona u diray warqada bixitaanka xalay kuna dalbaday in uu doonayo in uu isaga tago kooxda.

Xoghayaha 1-aad ee kooxda Barcelona Ramon de Blanes ayaa ah masuulkii ugu horeeyay ee ka hadlay xaalada kadib shir jaraa’id oo uu qabtay.

Ramon de Blanes oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan rajaynaa in uu Lionel Messi lana sii joogo Barcelona waana wax walba oo ay doonayaan dhamaan xiddigaha kooxda 1-aad marna kamaanu fikirin bixitaanka Lionel Messi.

“U Jeedkayaga ayaa ah in aan dhisno koox adag oo uu Lionel Mess hogaaminayo waana waxa aan marar badan isaga kala hadlanay bilihii ugu dambeeyay”.

“Waxa aan taageerayaasha u balan qaadaynaa in aan wax walba u samayno sidii aan Messi ugu qancin lahayn in uu sii joogo kooxda waxan aan raadinaynaa wadooyinka saxda ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here