Kooxda Barcelona ayaa isha ku haysa in ay u dhaqaaqdo daafaca kooxda Liverpool ee Joel Matip marka la gaadho suuqa January sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Kooxda reer Spain ayaa doonaysa in ay daafac dhexe la soo saxiixato bilowga sanadka cusub iyada oo kaliya haatan haysata xiddigaha Gerard Pique, Clement Lenglet & Ronald Araujo.

Tababare Koeman ayaa doonaya daafac dhexe oo cusub si uu ugu xoojiyo kooxdiisa iskuna badalo xiddigaha maadama ay kooxdu kulamo badan ciyaarayso.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in uu daafaca Man City ee Eruc Garcia yahay bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Man City.

Si kasta ha ahaatee Koeman ayaa diyaarsaday xiddigo badal ah hadii ay ku fashilanto in ay Barcelona saxiixa xiddiga kal heshiiso kooxda Man City.

Wargayska ayaana sheegaya in uu Matip ka mid yahay liiska xiddigaha ay doonayso saxiixooda suuqa January.

Waxa la rumaysanyahay in ay Barcelona haatanba kooxda Liverpool kala xidhiidhay saxiixa xiddiga 29 jirka ah ee Anfield kaga soo biiray kooxda Schalke.

Si kasta ha ahaatee kooxda Liverpool ayaa u sheegtay in ayna diyaar u ahayn in ay iibiso xiddiga marka loo eego xaalada dhaawac ee kooxda ka haysata daafaca dambe ee kooxda.

Source: laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here