Sidii dhacday xagaagii, Barcelona ayaa u muuqata kuwo dhibaya kooxda Barcelona kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in ay doonayso xiddig lala xidhiidinayo kooxda chelsea.

Barcelona ayaa aad u doonaysa saxiixa Benoit Badiashile sida laga soo xigtay wargayska L’Equipe, si kasta ha ahaatee Barca ayaan haysan lacag ay ku dhamaystiri karto heshiiska.

Sidaa darteed waxa ay ka codsadeen xiddiga reer France in uu sii joogo Monaco ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan uuna sugo Barca si ay ula soo saxiixato xagaaga dambe.

21-sano jirkaan ayaa Chelsea lala xidhiidhinayaa chelsea iyada oo Blues haatanba wadahadalo kula jirto kooxdiisa Monaco si ay u dhamaystiraan heshiiska.

Monaco ayaa ku dalbanaysa 40 milyan oo euro si ay u iibiso daafaca dhexe waxana ay doonaysaa in ay iibiso inta lagu jiro suuqa kala iibsiga january.

Kooxda Monaco ayaa aamisan in uu qiimihiisu hoos u dhici doono xaagaaga sidaas darteed waxa ay doorbidayaan in ay iibiyaan suuqa January.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here