Jordi Cruyff ayaa sheegay in ayna kooxda Barcelona wax saxiixyo ah samayn doonin marka la gaadho suuqa January bilowga sanadka cusub ee 2023.

Jordi Cruyff oo ka hadlayay sababta ayna Barcelona ugu suuro gali doonin in ay samayso saxiixyo cusub suuqa January ayaa u sheegay RAC1″Xaaladda maanta jirta ayaa ah in ayna kooxdu diwaan galin karin xiddigo cusub suuqa January”.

“Waxyaabo badan ayaa isbeddelay, dhibaatada ayaana ah in aanan haysan boos banaan oo xeerka dhaqaale wanaaga ah”.

Waqtigan xaadirka ah, waxay u muuqataa mid aan suurtogal ahayn in Barca ay ciyaartoy la soo saxiixato suuqa January, waxayna u badan tahay inay sugaan ilaa xagaaga soo socda si ay u xoojiyaan kooxdooda.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay awoodaan inay iibiyaan ciyaartoyda qaar bisha January, waxa ay kooxdu haysataa dhawr xiddig oo ay kooxda ku soo kordhin karto.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here