Barcelona vs Real Madrid! Immisa Abaalmarin Oo Ballon d’Or Ah Ayaa La Geeyay Camp Nou & Santiago Bernabeu?

Advertisements

Lionel Messi ayaa xalay markii lixaad ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or kadib xaflad ka dhacay magaalada Paris, waxeyna taas dhalisay in garoonka Camp Nou uu noqdo mid ay yaalaan abaalmarino ka badan Santiago Bernabeu.

Kooxda ka dhisan gobolka Catalonia waa kooxda ugu badan ee lagu hantay abaalmarinta Ballon d’Or maadaama 12-jeer lagu hantiyay halka Real Madrid lagu hantiyay 11-jeer, sidoo kale kooxaha Juventus iyo Ac Milan ayaa lagu hantiyay min sideed jeer.

Markii ugu horreysay ee Barcelona lagu hantiyo abaalmarinta Ballon d’Or waxey aheyd 1960-kii markaas oo la siiyay Luis Suarez, balse 13-sano ayey sugeen in xiddig ka tirsan uu ku guuleysto abaalmarintii labaad wuxuuna noqday Johan Cruyff, mar kale ayuu sanadkii xigay difaacday halyeeygii reer Holland, kadib waxaa Camp Nou keenay abaalmarinta Hristo Stoichkov (1194), Rivaldo (1999) iyo Ronaldinho (2005).

Wixii markaas ka dambeeyay waxaa masuuliyadda qaaday Lionel Messi oo lix jeer soo xareeyay taasoo ka dhigan in 12-jeer lagu hantiyay kooxda Balaugrana abaalmarinta Ballon d’Or.

Dhinaca kale Real Madrid waxaa u bilaabay Alfredo Di Stefano oo sanadkii 1957 ku guuleystay abaalmarinta, mar kale ayuuna sameeyay 1959.

Advertisements

Waxaana xigay Raymond Kopa, Luis Figo, Fabio Cannavaro, Cristiano Ronaldo (afar jeer) iyo Luka Modric.

Ronaldo Nazari wuxuu abaalmarinta ku hantiyay Inter Milan, balse qaar ka mid ah sanadkaas wuxuu ka tirsanaa Barcelona, sidoo kale Figo iyo Cannavaro ayey ku dhacday oo abaalmarinta ku qaaday Madrid balse kooxo kale bandhig ku muujiyay qaar ka mid ah sanadkaas.

[embedded content]

Source: laacibfm

WARARKII