Madaxa kooxda Bayer Leverkusen Rudi Voller ayaa beeniyay wararka xanta ah ee sheegaya in Kai Havertz uu qarka u saaran yahay inuu ku biiro kooxda Chelsea

Chelsea ayaa Havertz u calaamadsatay bartilmaameedkeeda 1-aad Kadib markii ay horay ula soo saxiixatay xiddigaha Timo Werner iyo Hakim Ziyech.

Saacado ka hor waxa soo baxay warar sheegaya in ay Chelsea ugu dambayn kooxda Leverkusen kala heshiisay qiimaha lagu helayo xiddiga khadka dhexe.

Wargayso kala duwan ayaa maanta qoray in ay chelsea kooxda Leverkusen kala heshiisay qiimaha xiddiga oo noqon doona 80 milyan oo euro iyo 20 milyan oo guno ah.

Laakiin agaasimaha kooxda Leverkusen Voller ayaa beeniyay warkaas wadnahana gooyay taageerayaasha Blues ee u dabaal dagayay saxiixa.

“Wax wax been ah oo ayna waxba ka jirin”ayuu Voller u sheegay SID.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here