Wargeyska “Bild” ee dalka Jarmalka ayaa soo wariyay in Bayern Munich aysan dooneynin inay iska iibiso xiddiga daafaca uga ciyaara ee Alphonso Davies, ka dib markii ay Real Madrid xiiso u muujisay saxiixiisa.

Wargeysyada Isbaanishka ayaa daabacay subaxnimadii Salaasadii in ay Real Madrid doonayso saxiixa xiddia Alfonso Davies si ay ugu xoojiso kooxda waxana ay marayaan wadadii ay kula soo wareegeen Toni Kroos dhawr sano ka hor.

Real Madrid ayaa u baahan inay la soo saxiixato xiddig ka ciyaara daafaca Bidix iyaga oo isku diyaarinaya bixitaanka xiddiga reer France ee Ferland Mendy.

Alphonso Davies, oo 22 jir ah, ayaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican booskiisa waxana uu soo jiitay indhaha kooxda Real Madrid kuwaas oo doonaya in ay wax walba u sameeyaan saxiixiisa.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska “Bild” ayaa tilmaamay in Bayern Munich ayna u ogolaan doonin Real Madrid in ay hesho saxiixa xiddiga reer Canada.

Bayern Munich ayaa xitaa diyaar u ah in ay xiddiga ka saxiixato heshiis wakhti fog ah si ay wadada ugu jaraan kooxda Real Madrid iyo xiisohooda.

Waxaa xusid mudan in qandaraaska uu Alfonso Davies kula jiro kooxdiisa haatan ee Bayern Munich uu dhacayo xagaaga 2025-ka.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here