Wararka  Ciyaaraha Maanta: Waxa xidhan suuqakala iibsiga maadama lagu jiro bilowga xilli ciyaareedka laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna kooxuhu isha ku hayn xiddigo kaduwan.

Kooxaha kala duwan ayaa qiimaynaya xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa January iyada oo ay sidoo kale wadahadalo la qaadan karaan wakiilada xiddigaha ay doonayaan.

laacibfm.com ayaa idiin soo gudbinaysa wararkii ugu dameeyay ee ay wargaysyadu ka qoreen suuqa kala iibsiga.

Man City ayay ka go’antahay in ay ku guulaysato saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham (Sun).

Man United ayaa wadahadalo la furtay kooxda PSV oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga Cody Gakpo (Mirror).

Kooxda Al-Nassr ayaa ku rajo weyn in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga Cristiano Ronaldo ka hor furitaanka suuqa January (CBS).

Man United ayaa rumaysan in ay ugu dambayn heli karto saxiixa xiddiga Frenkie de Jong marka la gaadho suuqa January (Sport).

Kooxda Barcelona ayaa meesha ka saartay suurgtalanimo kasta oo ay suuqa January ku iibinayso xiddigaha Franck Kessie & Hector Bellerin (Fabrizio Romano).

Kooxda PSG ayaa Arsenal kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid ee Marco Asensio (Sport).

Kooxaha Arsenal iyo Man United loo soo bandhigay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Joao Felix (Sport).

Kooxda Arsenal ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Joao Felix (Record).

Kooxda PSG ayaa dalab 30 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Fred (Sun).

Kooxda Man United ayaa Liverpool iyo Real Madrid kaga horaysa tartanka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Benfica Enzo Fernández (Bruno Andrade).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea Jorginho ayaa qaab xor ah uga tagi doona chelsea xagaaga dambe (Athletic).

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab Rasmi ah ka gudbiso xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ajax ee Mohammed Kudus (Mail).

Kooxda Real Madrid ayaa xiddiga Juventus ee Manuel Locatelli u aragta badalka Jude Bellingham (AS)

Kooxda Atletico Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay dib ula saxiixato Goolhayaha David de Gea (Fichajes).



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here