Saxiixa cusub ee kooxda chelsea ee Ben Chilwell ayaa sheegay in uu Frank Lampard ku guulaystay qalbigiisa kadib markii uu muujiyay halka uu ka gali karo shaxdiisa.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa heshiis 5 sano ah ugu biiray Blues isaga oo Arbacadii lagu dhawaaqay heshiiskiisa kadib markii ay 50 milyan ka soo bixisay adeegiisa.

Lampard ayaa doonayay in uu la soo saxiixdo daafaca Bidix si uu ugu buuxiyo booska xiddigaha qaab ciyaareedka ku dhibaatoonaya ee Marcos Alonso iyo Emerson Palmieri.

Chilwell ayaa sheegaya in uu Lampard yahay sababtii uu ugu biiray kooxda Blues kadib markii uu u soo bandhigay hamigiisa kooxda.

“Waxan u malaynayaa in uu xiddig walba doono in uu u ciyaaro koox weyn, anigu waxba kama duwani, waxa aan la hadlay Frank ka hor intii aan ku biirin waana uu gaadhay go’aanka in aan doonayo in aan ku biiro Chelsea”.

“Waxa uu igu beeray kalsooni waxa uu ii sheegay shaxda uu doonayo in uu ku ciyaaro, waxana ay iila muuqatay mid fiican sidaas darteed waxa aan go’aansaday in aan ku biiro”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here