Daafaca kooxda chelsea ee Ben Chilwell ayaa rajaynaya in uu si dhakhso ah uga soo kabsado dhaawacii ka soo gaadhay waajibaadka xulka qarankiisa.

Xiddiga Chilwell ayaa ku dhaawacmay kulankii uu xulka qaranka England guuldarada kala kulmay xulka Belguim tartanka UEFA Nations League.

Xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ayaa dhamaysan kari waayay ciyaarta isaga oo ka baxay daqiiqadii 38-aad ee qaybtii hore ee ciyaarta kadib dhaawac dhabarka ah oo soo gaadhay.

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in xiddiga Chilwell uu rajaynayo in uu dib u helo taam ahaanshihiisa sida ugu dhakhsaha badan.

Daafaca ayaa rajaynaya in uu taam u noqdo kulanka Newcastle ee horyaalka prmemier League ee Toodbaadka dambe.

Source: laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here