Benfica ayaa isku dayaysa inay ku qanciso Enzo Fernandez inuu sii joogo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib markii Chelsea ay dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa si aad ah loo raadinayaa kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay koobkii adduunka uu kala qayb galay xulkiisa Argentina kuwaas oo ku guulaystay koobka adduunka.

Kooxaha Chelsea, Manchester United, Liverpool iyo Real Madrid ayaa dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga inta lagu jiro suuqa kala iibsiga January.

Liverpool iyo Manchester United ayaa labadooduba wadahadalo horumarsan la yeeshay Benfica iyo wakiilka Fernandez bishaan, laakiin Chelsea ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga si ay ugu guulaysato saxiixa xiddiga.

Chelsea ayaa doonaysa in ay xoojiso khadkeeda dhexe iyada oo Jorginho iyo N’Golo Kante ay si xor ah uga tagi karaan Stamford Bridge marka uu heshiiskoodu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Daily Record ayaa sheegtay in Chelsea ay Benfica miiska u saartay dalab Rasmi ah oo kor u dhaafaya 127 milyan oo u dhiganta (£113m) si ay u helaan xiddiga Fernandez.

Laakiin sida laga soo xigtay Record, madaxweynaha Benfica Rui Costa ayaa hadda la hadlay Fernandez mana doonayo in khadka dhexe uu baxo inkasta oo ay Chelsea bixisay lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga.

Wararka ayaa sheegeysa in Costa uu isku dayayo inuu Fernandez ku qanciyo inuu sii joogo Benfica ilaa xagaaga soo aadan.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here