Besiktas ayaa haatan diyaar u ah in ay aqbasho dalabka Manchester United ee Wout Weghorst laakiin ma saxiixi doonto heshiiska ilaa ay ka helayso badalkiisa sida uu sheegay madaxweynaha Kooxdu.

Red Devils ayaa si aad ah u doonaysay in ay bishan la soo wareegto weeraryahan cusub si ay ugu buuixyaan booska Cristiano Ronaldo oo ka tagay kooxda.

Man United ayaa maalmihii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga Wout Weghorst kaas oo uu Erik Ten Hag doonayo in loo keeno kooxdiisa.

Kooxda Man United ayaa saxiixa Wout Weghorst Kala heshiisay kooxda Besiktas kadib markii ay Red Devils bixisay lacag dhan 3 milyan oo euro.

Laakiin Man United ayaan wali ku dhawaaqin saxiixa xiddiga taas oo keentay in ay taageerayaashu is waydiiyaan sababta.

Iyada oo Besiktas aqbashay in ay iibiso xiddiga hadana Madaxweynaha kooxda ee Ahmet Nur Cebi ayaa sheegay in ayna kooxdu fasixi doonin Weghorst ilaa inta ay badalkiisa la soo saxiixanayso.

“Haddii aan ku heshiino shuruudaha ka dib marka aan helno weeraryahan fiican waxa aan Weghorst u ogolaan doonaa in uu boxo”ayuu yidhi.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here