Booliska dalka Uganda ayaa xabsiga dhigay ugu yaraan 20 taageereyaal ah oo ka qeyb galayay dhoolatus koob lagu qabtay wadooyinka dalkaasi kadib guushii ay Arsenal 2/3 uga badisay Man United.

Gunners ayaa 3-2 ku garaacday United kadib markii uu daqiiqadii 90-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay Eddie Nketiah si ay u xoojiyaan hanashada horyaalka.

Guushu waxay ka dhigeysaa kooxda Mikel Arteta inay shan dhibcood oo nadiif ah ku hayso hogaanka horyaalka premier League iyada oo la galay bartamihii xilli ciyaareedka.

Maalin ka dib, booliisku waxay qabteen koox taageerayaasha Arsenal ah oo aad u faraxsan kuwaas oo soo qaatay baabuur ay ugu dabaal-dagayeen koobka premier League inkasta oo ayna kooxdoodu qaadin wali.

Kooxda Arsenal ayaa u dagaalamaysa ku guulaysiga horyaalka premier League markii ugu horaysay tan ilaa 2003/204 xilli ay doonayaan in ay horyaalka ku garaacaan man City.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here