Tababaraha Borussia Dortmund Lucien Favre ayaa u sheegay Manchester United in Jadon Sancho uu go’aansaday inuu sii joogo kooxda Borussia Dortmund xilli ciyaareed kale.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa bartilmaameedka 1-aad u ahaa Man United suuqii xagaagan ka hor intii ayna United diidin in ay bixiso lacagta ay Dortmund dalbanayso ee 120-ka Milyan ah.

Dortmund ayaa United u qabatay in ay saxiixa xiddiga ku dhamaystirto 10-kii bishii August laakiin waxa haatan la soo dhaafay wakhtigii ay u qabatay.

Wararka ayaa haatan sheegaya in ay Man United dareenkeeda u jeedsisay bartilmaameedyo kale oo ay ku xoojiso kooxda suuqa kala iibsiga xagaagan.

Tababare Favre ayaana sheegay in uu qof walba oo Dortmund ah ku faraxsanyahay in uu Sancho kooxda sii joogi doono xilli ciyaareed kale.

“Waan u baahanahay Sancho, su’aal kama taagna arintaas”ayuu Favre u sheegay wargayska Keystone-SDA.

“Qof walba wuu ku faraxsanaa joogitaankiisa. Uma baahnin inaan in badan ka hadalno Tayadiisa”.

“Waxa uu dhaliyaa goolal waxa uu sidoo kale caawiye ka noqdaa goolal badan oo kale”.ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here