Brazil ayaa guul muhiim ah ka gaartay Switzerland oo ay dhamaadkii ka gaareen guul hal gool
Sheekada qeybta hore : Brazil iyo Switzerland ayaa nasinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal
Brazil ayaa ku sii sareeysay maamulka kubadda balse meel ay mariisyaan ayaa loo diiday
Fursado ay qasaariyeen ayaa jira Brazil halka go`aano deg deg ah qaadanayeen , waxa ayna Switzerland ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska halka daafac ahaah ayaaheen kuwo isku xeran , waxa ayna kubad haysashada Brazil gaareysay mararka qaar %58
Brazil waxa ay u baahneyd in ay xal la timaado oo kubadda banaanka ka toogtaan maadaama qaran kale daafac buuxa ku jireen .
Soo laabashadii , Switzerland waa soo dhaqaaqayeen labada dhinac waa ku dhawaanayeen in ay gool isu helaan.
Ciyaarta deg degsiimo ayay yeelatay illaa Brazil ka keeneen gool qurux badan balse VAR ayaa diiday ka dib qalad ka horeeyay waxa ayna dhacadaas dhacday daqiiqadii 65-aad ..
Brazil waa wacnaayeen balse diiradda ayaa ka maqneyd halka Switzerland ahaayeen kuwo foojigan .
Cadaadiskii Brazil waxaa ku yimid gool aad u qurux badan waxaana daqiiqadii 83-aad shabaqa dhigay Casamero ka dib uu u baasay Rodrygo