Labada qaran waxa ay kulankaan galayaan iyadoo ay isha ku hayaan in guul markii ugu horeeysay koobka aduunka ah kala gaaraan.
* Labadii kulan hore ee koobka dunida ka yeesheen waxa uu ku dhamaaday bar bar dhac , 1950-kii waxa ay galeen min laba gool halka 2018-dii ay ku hishiiyeen min gal gool
*Switzerland waa badiyeen laba kulan oo qeyb ka ah afartii kulan ee ugu dambeeysay ee ay Brazil la ciyaareen dhamaan tartamada , mid bar bar dhac ayay galeen midna waa guul dareysteen
*Switzerland kaliya waxa ay badiyeen hal kulan 8-dii kulan ugu dambeeysay koobka aduunka ee ay wajaheen qaran ka socda koonfurta America , laba bar bar dhac iyo 5 guul darro ayay ka wataan , waxa ayna horay u garaaceen Ecuador iyo Brasilia.
*Brazil lagama badin 16-kii kulan ee ugu dambeeyay ee wareegga Group-yada koobka dunida ,
*Haddii Switzerland badiyaan kulankaan waxa ay noqoneysaa markii ugu horeeysay ee ay badinayaan labadooda kulan ee ugu horeeyay koobka dunida , markii ugu dambeeysay laba kulan is xiga badiyaan waxa ay aheyd 2006-dii waqtigaas oo ay garaaceen Togo iyo South Korea