Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Bruno Fernandes ayaa ka hadlay final-ka FA Cup-ka iyo waliba suurtagalnimada ay Man City ugu guulaysan karto saddexley koobab ah xilli ciyaareedkan.
Red Devils ayaa doonaysa in ay ka hor istaagto rikoodhkaas maadama ay yihiin kooxda kaliya ee reer England ah ee ku guulaysata 3 koob oo taariikhi ah sanadkii 1999.
Fernandes ayaa dhawaan ka hadlay suurtogalnimada ay City ku noqon karto kooxdii labaad ee ku guulaysata saddex koob wuxuuna yidhi:”Waan ognahay sheekada kooxdeena iyo in taageerayaashu ayna doonayn in City ay sidaas samayso”.
“Waan ognahay haddii aan ku guuleysano koobkam in ayna Man City saddex koob ku guulaysan karin”.
“Laakiin dhanka ciyaartoyda, kaliya waxan doonaynaa in aan ku guulaysano ciyaarta sababta oo ah waxa aan doonaynaa koobka”.

Related



Source link