Xiddiga kooxda Arsenal ee Arsenal Bukayo Saka ayaa qirtay in bar-barihii ay Man City la gashay Everton in ay Gunners ka caawisay in ay garaacdo Brigton kulankii sabtida.

Manchester City ayaa barbardhac la gashay Everton iyaga oo isku dhaafi waayay bar-baro 1/1 ah xilli ay Arsenal ka faa’iidaystay bar-baraha Man City kuna garaacday 4/2 kooxda Brighton isla markaas haatan 7 dhibcood ku qabtay hogaanka horyaalka.

“Waxaan isku dayeynaa oo kaliya inaan diirada saarno nafteena, laakiin markii aan maqalnay natiijada Man City waxa ay na siisay dhiiri galin dheeraad ah si aan uga badino Brighton”.ayuu Saka yidhi.

Waxa uu intaa ku daray:”Arintu waxa ay u muuqataa mid cajiib ah, haatan waxa aan hogaanka ku haynaa 7 dhibcood waanan ku faraxsanahay arintaas”.

Arsenal ayaa haatan 7 dhibcood ka horaysa kooxda Man City oo difaacanaysa horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa iska khasaarisay fursad ay cadaadiska ugu sii hayn lahayd kooxda Arsenal kadib markii ay bar-baro niyad jab leh kala kulantay Everton.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here