Burcad Isku Dayday Iney Jabsato Guriga Marquinhos Intii Ay Socotay Ciyaartii Ay Todobaadkaan La Ciyaarayeen As Monaco.

Advertisements

Daafaca reer Brazil Marquinhos ayaa noqday xiddigii shanaad ee ka tirsan Paris Saint Germain oo ay beesadeen burcadda guryaha jabsata sida ay qoreen warbaahinta dalka Faransiiska.

Tuugadaan la garan waayay ayaa isku dayay iney jabsadaan guriga xiddiga intii ay socotay ciyaartii ay todobaadkaan la ciyaareen As Monaco, kulan xiiso leh oo dhacay Axadii ayey labada kooxood ku kala baxeen 3-3.

Waxaa la xasusutaa in burcad ay jabsatay guryaha Eric Choupo-Moting, Thiago Silva, Dani Alves iyo Layvin Kurzawa wakhtigooda kooxda Paris Saint Germain.

Marquinhos gurigiisa wuxuu ku yaalaa duleedka galbeed ee magaalada Paris, sida lagu qoray wargeyska L’Equipe burcad ayaa isku dayday iney jabsato walow aysan ku guuleysan.

Ilaalada xaafadda ayaa wacay booliska, waxaana la aaminsan yahay in ragga guriga soo weeraray ay ahaayeen afar qof oo wajiga soo xirtay, waxaana la rumeysan yahay iney yahiin rag aad u yaqaana howshaan.

Advertisements

“Miyey ogaayeen inuu guriga yahay midkii Marquinhos? cidna ma xaqiijin karto” ayuu qof aan la sheegin magaciisa u sheegay L’Equipe.

Sidoo kale qofka wuxuu u sheegay wargeyska iney socdaan baaritaan arintaan la xiriira iyo sidii loo aqoonsan lahaa si loo baadi goobo.

[embedded content]

Source: laacibfm

WARARKII