Xiddiga kooxda Chelsea ee Callum Hudson ayaa shaki giliyay mustaqbalkiisa kooxda Chelsea saacado yar ka hor inta suuqa xagaaga uusan xermin

Laacibkaas ayaa lala xariiriyay in uu ka huleelayo Chelsea waxaana si weyn u dooneysa kooxda Bayern Munich  balse kuma guuleysan weli in Chelsea ay la gaaraan hishiis .

Munich waxa ay xittaa Chelsea u bamdhigeen hihiis amaah balse kooxdaas galbeedka London ka dhisan waa diideen arintaas .
Sidaas oo ay tahay , Hudson waxa uu haatan walaaac ku abuuray taageeryaasha  Chelsea ka dib  sawir uu soo dhigay bartiisa Instgaramka
Waxa uu soo dhigay sawir isaga oo hor taagan diyaarad nooca gaarka ah , waxaase xusid mudan in suuqa kala iibsiga Jarmalka uu xermay saacado hore oo maanta ah .
Laacib.net

Source: laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here