Xulka qaranka Brazil ayaa la ciyaari doona xulka Cameroon kulan xiiso leh oo ka tirsan wareega Group-yada koobkaa dduunka.
Xulka Brazil ayaa kulanka soo galaya iyaga oo rikoodh fiican ku leh xulka Cameroon isla markaas ka gacan sareeya kulamada waji-ka wajiga ah.
Labada xul ayaa horay u kulmay 6 kulan tartamada oo dhan iyaga oo kooba adduunka ku kulmay 2 jeer halka ay Confederations cup-ka ku kuleemn 2 jeer.
Sidoo kale labada xul ayaa kulan saaxiibtinimo ku kulmay 2 jeer taariikhdooda tan ilaa markii ay kulmeen kulankoodii ugu horeeyay.
Xulka Brazil ayaa badiyay 5 kulan halka xulka Cameroon badiyay hal kulan oo kaliya isla markaas uuna jirin wax bar-baro ah oo dhexmaray labada xul.
Xulka Brazil ayaa dhaliyay 12 gool halka uu xulka Cameroon kaliya dhaliyay 2 gool kulamadii ay wada ciyaareen tartamada oo dhan.