Warka sheegaya in uu Xiddiga Lionel Messi maamulka kooxdiisa u gudbiyay warqada bixitaanka ayaa gil-gilay wargaysyada ka faalooda kubada cagta saacadihii gu dambeeyay.

Kooxda Barcelona ayaa sidoo kale xaqiijisay in ay jirto warqada bixitaanka ee uu Lionel Messi gudbiyay inkasta oo ayna kooxdu si cad warbixin uga soo saarin.

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona Carles Puyol iyo weeraryahanka haatan u ciyaara ee Luis Suarez ayaa noqday labadii qof ee sida Rasmiga ah uga fal-celiyay warark.

Puyol ayaa Twitter-kiisa ku soo qoray”“Ixtiraam iyo qadarin, Leo. axa aad haysataa Taageeradayda”.

Luis Suarez oo qoraalka Puyol ka fal celiyay ayaa isana bogaadiyay ereyadii kabtanka hore ee Barcelona isaga oo Twitter-ka ku soo qoray”Sawiro Sacab muujinaya”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here