Caruurteyda Ayaan Barayaa Diinta Islaamka, Waxaan U Dhawaanayaa Allah. Hal Maalin Kama Tagin Soonka Bishaan Ramadan

Waxaa gabo gabo maraya bisha Barakeysan ee Ramadan laakiin sidee ayuu yahay soonta xiddigaha kubada cagta ee ku jira karantiilka?

Waxaa xiran masaajida qaar ka mid ah wadamada uu saameeyay caabuqa Karoona, waxaa la diiday isku imaatinka, waxaa la xakameeyay in banaanka loo baxo.

Hadaba BBC Sport ayaa wareysi la yeelatay xiddiga khadka dhexe ee Premier League ka ciyaara ee kooxda Sheffield United Muhamed Besic kaasoo amaah uga soo maqan kooxda Everton.

Laacib.net ayaa idiin soo tarjuntay wareysigaas ee halkaan kaga bogo:

Sidee ayaad u la tacaaleysaa karantiilka aad ku jirto?

Besic: “Labo isbuuc ka hor, waxaa inoo dhashay wiil sidaasi darteed waan ku faraxsanahay inaan awood u yeesho inaan waqti la qaato qoyskeyga.

“Waxaan weli tabayaa masaajidka iyo salaada Taraawiihda, waxaana rajeynayaa in wax walba ay sidii caadiga ahaa ku soo laaban doonaan.”

Miyaad baratay xirfado cusub?

Besic: “Waxaan caruurteyda barayaa diinta Islaamka sababtoo ah weli waa ay da’ yar yihiin, waxaana doonayaa inay iyaguna diinta ku xirmaan.

“Haatan waxaan ka mahadcelin karaa shaqada ay imaamyada hayaan, waa shaqo aad u adag in la helo ereyada saxda ah. Laakiin waan baranayaa”

Miyuu Ramadaankaan ka sahlanaa ama ka dhib badnaa sida caadiga aheyd?

Besic: “Dhaawacyo badan ayaa i soo maray sidaasi darteed waxaan wax ka bedelay qaabka aan wax u cuno, waxaan inta badan cunaa qudaarta. Waxaan yareeyay cunista hilibka iyo kalluunka.

“Waxaan sidoo kale isku dayaa inaan cunto yar cuno intii macquul ah.”

Ramadaankan miyay kaa dhigtay inaad dareento mahadnaq badan?

Besic: “Waxaad ka mahadnaqeysaa waxyaabo ah, waxaana dareemayaa inaan u dhawaanayo Allah. Waxaan ku dhibtoonayay imaankeyga muddo dheer intii aan kubada cagta ku jiray.

“Waxaan shabadeeyay jirkeyga, waxaan maqlay sheekada Sonny sidaasi darteed waxaan dareemayaa inaan sidiisa oo kale ahay.

“Ramadaankaan waa midkii ugu horeeyay ee uusan hal maalin iga fakanin soonta sidaasi darteed waan ka mahadnaqayaa.”

Miyaad waligaa dareentay in shaqadaada iyo diintaada ay iska horimaanayaan?

Besic: “England waxaan ku dareemaan ixtiraam iiga imaanaya dadka. Wax dhibaato ah lama kulmin waligeey.

“Jarmalka markii aan joogay waa ay ka duwaneyd sababtoo ah ixtiraam badan ma jiro halkaas. Waana sababta aan lix sanno u joogo England, waxaana rajeynayaa inay waqti dheer sii ahaato.”

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Source: laacibfm

WARARKII