Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay xiisaynayso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Shakhtar Donetsk Mykhailo Mudryk inta lagu jiro suuqa January sida uu sheegay Fabrizio Romano.

Blues ayaa isku dayaysa inay Arsenal ka afduubato weeraryahanka reer Ukraine, iyagoo doonaya inay xoojiyaan kooxdooda bishaan.

Romano ayaa yidhi”Arsenal waa in ay si deg-deg ah u dhamaystirto saxiixa xiddiga sababta oo ah chelsea ayaa doonaysa xiisaha xiddiga”.

“Xiddiga ayaa doonaya in uu ku biiro Arsenal laakiin Chelsea ayaa isku dayaysa inay u dhaqaaqdo Mykhaylo Mudryk”.

“Haddii ay dhacdo in ay Arsenal ka caga jiido saxiixa xiddiga, chelsea ayaa tallaabo u qaadi doonta saxiixiisa laakiin xiddiga ayaa ilaa haatan doonaya in uu ku biiro Arsenal”.

Arsenal ayaa dhawaan miiska u saartay dalabkeedii labaad ee ay ku doonaysay xiddiga garabka ka ciyaara, laakiin Shakhtar Donetsk ayaa ku adkaysanaya in ay doonayso 100 milyan.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here