Kabtanka kooxda chelsea ee Cesar Azpilicueta ayaa sheegay in uu xagaagii iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa Barcelona sabab la xidhiidha qoyskiisa iyo sidoo kale in uu la dhacay milkiilaha cusub ee chelsea Todd Boehly.

32-sano jirkaan daafaca dambeedka midig ayaa u muuqday inuu ka tagayo Chelsea markii uu qandaraaskiisu suuqii xagaaga.

Azpilicueta ayaa xitaa wadahadalo la qaatay tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi ka hor inta uuna ugu dambayn qalinka ku duugin heshiis cusub u saxiixin kooxda chelsea.

“Chelsea waxa aan u ciyaaray wax ka yar 30 kulan sidoo kale waxa aan ahaa xiddig xor ah”ayuu u sheegay AS.

“Weligay igumay dhicin nolosheyda. Laakiin milkiilayaasha cusub ayaa yimid oo waxay i tuseen rabitaan ah in aan sii joogo”.

“London waxa ay noqotay gurigayga, Caruurtayduna waxa ay Luuqada Ingiriisiga ugu hadlaan si ka fiican luuqada Isbaanishka”ayuu sii raaciyay



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here