Chelsea ayaa mar kale dadaal ku bixineysa in Januray ka dhex muuqdaan suuqa kala iibsiga, waxa ayna doonayaan in xiddig cusub ay isku soo kordhiyaan

Waxaa lagu waramay in ay diyaar la yihiin in 67 milyan giliyaan suuqa January iyaga oo isha ku haya xiddiga West Ham United ee Declan Rice.

Chelsea oo xagaagii suuqa kala iibsiga gilisay 226 milyan oo gini oo ay ku keeneen ilaa iyo 7 ciyaaryahan ayaa haatan mar kale ka dhex muuqaneysa

Si Rice u helaan Chelsea waxa ay ku qabsan tahay in  dhowr ciyaartooy ay iibiyaan si qarashka ka soo galaya ugu raadsaan xiddiga West Ham

Frank Lampard ayaa hatan damacsan in  uu kooxda ka fasaxo marka la gaaro January xiddigaha kala ah Rudiger , Danny Drinkwater,Giroud , Emerson iyo xiddiga amaahda haatan ku maqan ee Bakayoko.

Xiddigahaas ayaa lagu qiimeeynayaa aduun dhan , Rudiger 27m , Emerson 16m, Danny 3.5m,Giroud 4.5m halka Bakayoko uu gaarayo 16 milyan.

Source: laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here