Kooxda Chelsea ayaa lagu waramayaa in ay isu diyaarinayaana dalaba ay ka geeyaan goolhayaha kooxda Man United ee Sergio Romero

Chelsea oo xagaagaan si wacan uga adeegatay suuqa xagaaga ayaa haatan kaliya waxaa u harsan in dhanka goosha ay ku sameeyaan dayactir.

Ma aha kaliya Romero goolhayayaasha Chelsea u calaameysan waxaa kale oo ay isha ku hayaan goolhayaha kooxda Rennes ee Edouard Mendy .

Arintaan ayaa imaaneysa xilli United dhankooda xittaa ay si weyn uga fikirayaan in ay iska iibiyaan goolhayaaaan reer Argentina

Romero waxa uu Old Trtafford joogaa 5 sano waxa uuna ahaa goolhayaha labaad ka dib De Gea balse haatan oo uu Dean Henderson ka soo laabtay amaahda waxaa loo badinayaa in Romero uu baxayo .

Goolhayahaan oo 33 sano jir ah ayaa ka qiimo jaban midka Rennes kaasi oo suuqa ka jooga haatan 18 milyan oo euro

Chelsea illaa haatan waxa ay suuqa xagaaga ku bixiyeen lacag kor u dhaafeysa 200 oo milyan oo gini

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here