Kooxda chelsea ayaa si xarago leh uga taqalustay Crystal Palace kulan ka dhacay Stamford Bridge kana tirsanaa horyaalka premier League.

Chelsea ayaa ku cadho bur-burtay Crystal Palace kadib markii aanay wax guul ah gaadhin labadii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Kulanka ayaa ahaa mid adag iyada oo Crystal Palace qaybtii hore iska caabin kala hor timid iyaga oo xitaa ku sameeyay fursado fiican oo ay goolal ka dhalin kareen.

Laakiin wax waxa ay wax walba is badaleen qaybtii dambe ee ciyaarta kadib markii ay Blues ku soo gashay si dar-dar leh waliba ka awood badnayd kooxda Crystal Palace.

Daqiiqadii 50-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta kadib markii uu xiddiga cusub ee kooxda chelsea Ben Chilwell oo kulankiisii ugu horeeyay chelsea u saftay Premier League furtay Akoonkiisa goolasha.

Crystal Palace ayaa isku dayday in ay iska caabin ku samayso laakiin Chelsea ayaa ka awood badnayd kana fursado badnayd.

Xilli ay Crystal Palace ku mashquulsanayd sidii ay bar-baraha u keeni lahayd ayay Chelsea dhalisay gool kale oo shaki galiyay Palace.

Daqiiqadii 66-aad ayuu daafaca Kurt Zouma madax u dhaliyay Blues isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Chelsea ku hogaaminayso ciyaarta.

Chelsea ayaa sii waday raadinta goolal kale xilli ay Crystal palace u muuqatay kuwo ka niyad jabay soo laabashada ciyaarta.

Blues ayaa laba rikoodhe oo deg-deg ah heshay iyaga oo labada gool u badalay sidaasna ku dilay ciyaarta.

Daiiqadii 78-aad ayay Chelsea heshay rikoodhe waxana u istaagay xididga khadka dhexe ee Jorginho kaas oo si qurux badan gool ugu badalay.

Blues ayaa mar kale daqiiqadii 82-aad heshay rikoodhe kale waxana markan isku qabsaday Jorginho iyo Tammy Abraham laakiin kabtan Cesar Azpilicueta ayaa soo dhex galay Jorginho-nana u dhiibay kubada kadib ka kexeeyay Tammy Abraham oo aan ku faraxsanayn arinta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Chelsea gaadhay guushii 2-aad ee horyaalka premier League soona bandhigtay qaab ciyaareed lagu qancay.

Laacib.net

Source: laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here