Kooxda chelsea ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Benfica ee Enzo Fernandez sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Chelsea ayaa xiddiga Enzo Fernandez u doonaysa in ay ku xoojiso khadka dhexe ee qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Sida laga soo xigtay saxafiga Pedro Almeida, chelsea iyo Benfica ayaa ku jira heerarkii ugu dambeeyay ee wadahadalada xiddiga Enzo Fernandez.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in ay labada kooxood ku dhawyihiin in ay ka heshiiyaan saxiixa xiddiga khadka dhexe oo ku kici doona lacag dhan 130 milyan oo euro.

Dhinaca kale xiddiga Fernandez ayaa haatanba ogolaansho u siiyay wakiilkiisa in uu u duulo London si uu heshiiska shaqsiga ah ula gaadho kooxda chelsea.

Hadii ay wax walba u dhacaan sida la filayo Fernandez ayaa noqon doona xiddig Blues ah 48 ilaa 72 saac ee soo socota isla markaas xiddigu ku biiri doono Blues.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here