Graham Potter ayaa qarka u saaran inuu sameeyo saxiixiisii ​​ugu horeeyay isagoo tababare u ah Chelsea iyadoo Blues ay ku dhowdahay inay heshiis la gaarto weeraryahanka Molde David Datro Fofana.

Todd Boehly ayaa bishii September u magacaabay tababaraha kooxda, laakiin Potter ayaa ilaa hadda lagu qasbay inuu la shaqeeyo kooxdii uu ka dhaxlay tababarihii isaga ka horreeyay ee Thomas Tuchel.

Xiddiga reer Ivory Coast ayaa dhaliyay 21 gool sidoo kale caawiye ka noqday 7 kale ilaa haatan xilli ciyaareedkan waxana uu potter doonayaa in uu ku xoojiyo weerarkiisa.

Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Chelsea ayaa heshiiska shaqsiga ah laa gaadhay xiddiga 19 jirka ah laakiin waxa ay haatan wadahadalo kula jiraan kooxdiisa waxana ay bixin doonto lacag dhan 10 milyan.

Chelsea ayaa dar-dar galinaysa saxiixa David Datro Fofana kadib dhaawacii soo gaadhay Armando Broja kaas oo garoomada ka maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Fofana ayaa la filayaa in uu noqdo saxiixii ugu horeeyay ee Potter tan ilaa markii uu tababaraha u noday kooxda chelsea isla markaas shaqada ka badalay Tuchel.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here