Kooxda Brighton ayaa xaqiijisay in ay dalab Rasmi ah ka diiday kooxda chelsea kaas oo ay ku doonaysay xiddiga khadka dhexe ee Moises Caicedo.

Moises Caicedo ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu ka tagayo kooxda Brighton tan ilaa xagaagii la soo dhaafay iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo premier League.

Kooxaha Man United, Liverpool iyo chelsea ayaa dhamaantood xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga khadka dhexe si ay ugu xoojiyaan kooxdooda.

Sida laga soo xigtay agaasimaha kooxda Brighton ee Paul Barber, chelsea ayaa dalab 65 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Moises Caicedo.

Laakiin Brighton ayaa isla markiiba diiday dalabkaas maadama ay doonayaan lacag intaas ka badan isla markaas kor u dhaafaysa 75 milyan oo euro.

“Haddii Caicedo uu doonayo in uu boxo waa in lacagtiisa la bixiyo”ayuu Barber yidhi.

“Chelsea waxa ay brighton la leedahay xidiidh fiican laakiin waxa ay miiska saartay lacag dhan 65 milyan”ayuu sii raaciyay.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here