Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa xaqiijiyay in Chelsea ay ku khaldantay in ay la soo saxiixato xidigii hore ee Gunners Pierre Aubameyang.

Aubameyang ayaa xagaagii hore u soo wareegay Blues isaga oo kaga soo biiray kooxda Barcelona walina ma uusan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay.

Merson oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Aubameyang waa la bedelay ka dib markii uu badal ku soo galay Kulankii Man City, haatan waxa aan filayaa in uu isaga tagi doono kooxda”.

Halyeeyga Gunners oo hadalkiisa sii wada ayaa yidhi”Laga yaabee in tani ay tahay dhamaadka ciyaaryahanka, sababtoo ah wuxuu horeyba uga weynaa da’da sodonka, malaha haddii uu yaraa, xaaladdu way ka duwanaan lahayd”.

Tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay Chelsea bishii September ee la soo dhaafay, xiddiga Aubameyang ayaa kaliya 15 kulan la ciyaaray Blues tartamada oo dhan isaga oo dhaliyay kaliya 3 gool.

Xiddiga reer Gabon ayaa hore ugu soo ciyaaray Arsenal intii u dhaxaysay 2018 ilaa 2021, wuxuuna u ciyaaray 163 kulan waxana uu dhaliyay 92 gool halka uu caawiyay 21 kale.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here